Munaasabad lagu daahfuray Mashruuca PSPH oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu daah-furayey Mashruuca Isbahaysiga Xarumaha gaarka loo leeyahay ee Caafimaadka “Private Sector Partnership For Health” (PSPH) kaasoo ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada xarumaha gaarka ah Caafimaadka.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, qaar ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadaha iyo Isbitaalada magaalada Muqdisho, xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Mashruuca PSPH ayaa xarumaha Caafimaadka ee gaarka ah kala shaqeynaaya sidii loo heli lahaa adeeg Caafimaad oo tayo leh, qiima ahaan jaban oo bulshada guud ee Soomaaliyeedna ay awoodi ay awoodi karaan sida uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha Isbitaalka Dalmar ahna madaxa Machadka Cilmi baarista iyo horumarinta Soomaaliyeed (SORDI) oo barnaamijkan soo bandhigay.

“PSPH lama mid aha mashaariicda kale ee ay deeq bixiyeyaashu taakuleeyaan, wuxuu uga duwan yahay arrimo badan oo ay ka mid yihiin inuu xoojiyo xarumaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, isla markaana sare u qaado tayada adeega ay bulshada siiyaan sidoo kalena uu kala shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha la soo dersa iyo in la isku xiro dhexdooda si loo abuuro nidaam lagu wada shaqeeyo kaasoo leh halbeegyo lagu qiimeyn karo adeegyada ay bixiyaan tayadooda” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in mashruucan loogu talo galay in dalka oo dhan lagu baahiyo, balse saddexda sano ee soo socota si tijaabo ah looga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, isagoo xusay in %10 xarumaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo markii horeba wada shaqeyn dadban lahaa ay haatan diyaar u yihiin iney ka qeyb qaataan mashruucan, inta soo hartayna ay u socdaan wada tashiyo.

Madaxa Wasaaradda Caafimaadka dowlada Somalia u qaabilsan goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay Dr. C/raxmaan Cawaale ayaa isna sheegay in Wasaaradu ay diyaar u tahay iney kaalinteeda ka qaadato sidii mashruucan uu u guuleeysan lahaa, wuxuuna ugu baaqay bahda Caafimaadka iney ka wada shaqeeyaan sidii bulshadu u heli laheyd adeeg Caafimaad oo jaban.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey mashruucan, isagoo ku dheeraaday muhiimada uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo kaalinta loo baahan yahay bahda Caafimaadka.

“Mashruucan PSPH waa mid bulshada baahi weyn u qabtay, loona baahan yahay in dalka oo dhan lagu baahiyo, runtii haddii xarumaha gaarka ah ee Caafimaadka ay isku xirmaan, wada shaqeyn buuxdana yeeshaan iyagoo kaashanaya mashruucan wax weyn ayey bulshada u qaban karaan” ayuu yiri Prof. Dufle oo amaan iyo bogaadin u jeediyey Dr. Dalmar iyo heyadaha kale ee kala shaqeynaaya Mashruucan qiimaha badan.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale fikrado iyo talooyin ku aadan mashruucan ka soo jeediyey, Aqoonyahano, Dhaqaatiir iyo qaar ka mid ah Maamulada xarumaha gaarka ah ee Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -