Qaraxyo saaka lagu weeraray guri uu degena taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile

Labo qarax ayaa saaka waaberigii lagu weeraray Hoyga uu degan yahay taliyaha Nabad sugida degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu xiray gurigan oo ku yaalla xaafada Seben Seben ee degmada Dayniile, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u sheegay in qaraxyadan ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume), taliyihii hore ee NISA Dayniile  Omar Abdi Fidow  iyo askari ilaalo u ahaa.

Firirka qaraxyada ayaa sidoo kale  la sheegay in waxyeelo kasoo gaareen dad kale oo shacab ah oo ka ag dhawaa guriga taliyeyaasha ee saaka qaraxyada lagu weeraray.

Ciidamo isugu jira booliis iyo nabad sugid ayaa gaaray goobta qaraxyadu ka dhaceen, waxayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan qaraxyadan oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -