Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo Go’aano cusub soo saaray Sharciyo la horkeenayna ansixiyay (Sawirro)

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

Related posts

Shir Muqdisho uga furmaya Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag kasoo saaray in laga hor istaago Banaan baxa

Cabdi Cade

Shil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muradnaga & dad ku dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---