Dagaal ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaalo ayaa goor dhow fiidnimadii ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho caasimada Somalia kaasoo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kooxo hubeysan

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa bilowday markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Ex-Kontrol Balcad ee degmada Heliwaa.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday rasaas culus iyo gantaalaha garabka laga tuuro ee loo yaqaanp RBG ama Baasuuke, iyadoo cabsi badan ay la soo deristay dadka degan xaafadaha ku dhow goobta dagaalku ka socdo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waana habeenkii labaad ee xiriir ah oo Al-shabaab ay weeraro ku soo qaadaan fariisimada ciidamada DF ku leeyihiin gudaha iyo duleedyada Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii ciidamada DF ay qabteen gaari iyo 3 ka mid ah dagaalyahano hubeysan oo weerar ku soo qaaday saldhig ay ku leeyihiin degaanka Xaawo cabdi ee wadada Afgooye.

La soco wixii warar ah soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -