Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiishii dhowaan ku dagaalamay duleedka degmada Kaaraan oo la kulansiiyey

Caydiid Ali

Xamaas oo ku gacan sayrtay hindiso ay soo jeedisay Israa’iil

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay saddex nin oo ku eedeysan fal dil ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---