Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya

Golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay S/Guuto Sulub Axmed Firin, oo hadda ahaa wasiir kuxigeenka wasaaradda dekadaha Xukuumadda Ra’isul Wssaare Xamse Barre.

Jeneraal Xijaar oo kamid ahaa taliyaashii ciidanka ee sida aadka ugu dhawaa madaxweyne hore  Farmaajo ayaa in muddo ah la hadal hayay in xilka laga qaadayo, waxa uuna nasiib u yeeshay in uu sii joogo muddo lix bilood kabadan kaddib baxitaankii Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in isna xil ka qaadis lagu sameeyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa oo isna kamid ahaa saaxiibadii Farmaajo, waxaana socda latashiyo madaxda ka leeyihiin isbadal talisaka milatariga isna lagu sameeyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Fariin muhiim ah u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida badan ku heesata …

Cabdi Cade

Saciid Deni: “DF waa iney dhexdhexaad ka noqotaa doorashooyinka Galmudug & Jubalaland” (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---