Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Mareykanka oo Duqeymo culus ka geestay dhul buuraley ah oo kuyaalla Puntland

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay ilaa saakay duqeymo culus ku garaacayay fariisimo ay dagaalyahannada kooxda Daacish ku leeyihiin buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari Puntland.

Duqeynta oo bilaabatay xalay saqdii dhaxe ayaa la maqlayay ilaa saakay, waxaana duqeyntan si gaar ah loogu beegsaday goob la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano badan oo katirsan kooxda Daacish.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan lala beegsaday fariisimaha kooxda Daacish ku leedahay buuraha Calmiskaad, mana jiro faahfaahino duqeynta ka bixiyeen taliska Mareykanka iyo maamulka Puntland.

Saraakiil katirsan sirdoonka Puntland oo qariyay magacooda ayaa laga soo xigtay in duqeynta khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaalyayanada Daacish, waxa ayna saraakiishan sheegeen in duqeynta dadka lagu dilay ku jiraan saraakiil.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhjiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay la beegsanayaan dagaalyahanada hubeesan ee jooga Soomaaliya, waxa ayna Mareykanka duqeymo culus uga geesteen Koonfurta Soomaaliay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada TPLF oo hanjabaad culus soo dirtay Shuruudna ku xirtay Xabad joojin

Cabdi Cade

Ma dhab baa in Madaxda maamulka Jubbaland ay wadahadal la fureen DF?

admin

Madaxweyne Waare ma gobolka Hiiraan kaliya ayuu maamulaa Mise ?!!

Cabdi Cade