Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ku xiray nin baraha bulshada ku baahiyay Muuqaalo laga argagaxay

Baraha bulshada waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday muuqaalo uu baahiyay nin dhallinyaro ah , kaa oo laga dhax arkayay isaga oo gabar aad u yar siinaya waxyaabaha maanka dooriya .

Ninkan oo muuqaalada gacantiisa iasaga duubay ayaa soo dhigay Tiktok iyada oo dhinac joogta gabar aad u yar uu siiyay maan doorie una muuqata mid miir ahaan maqan, waxa ayna arrimtan keentay in dadka ka carroodaay ololana u galaan in lasoo qabto ninkan.

Ciidamada booliiska oo durba la gaarsiiyay xogta ninkan ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen Xuseen Xasan Gaabow, oo ahaa ninka gabadha yar daroogada siinayay muuqaalada laga naxayna soo duubayay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in eedeysanaha ciidanka booliiska ay soo qabteen, kaddib shacabka degmada ay soo gudbiyeen xogtiisa, isla markaana sharcigga lala tiigsan doono.

Shacabka Soomaaliyeed ee arkay muuqaalada ninkan ka duubay gabadha yar ee ku sarqaantay waxyaabo maanka dooriya uu siiyay ayaa soo dhaweeyay qabashadiisa, waxa ayna laamaaha cadaaddaalada ka codsadeen in ninkaasi tallaabo adag laga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho

Cabdi Cade

Malaayiin Dollar uu xaday nin Masuul ahaa oo dib loogu celinayo dal Afrika kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---