Qaabkii loo dilay Bashir Maxamed Gaboobe oo la ogaaday kadib baaritaano la sameeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabkii loo dilay Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali Ameerikaan ah oo dhawaan meydkiisa laga helay meel duur ah oo katirsan deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Baaritaano dhaqaatiirta iyo laamaha dambi baarista dalka Kenya ku sameeyeen meydka Bashiir Gaboobe ayaa lagu ogaaday in aan wax rasaas ah loo adeegsan dilkiisa balse loo geestay jirdil iyo tacadiyo kale.

Kooxda dilka geesatay oon wali la aqoonsan ayaa la sheegay in jir dil iyo nabaro qarsoon in ay u geesteen ganacsade Bashiir kadibna ku tuureen dhul cidlo ah, waxa ay sidoo kale gubeen gaarigii uu lahaa ganacsadaha la dilay.

Charles Madowo , oo kamid ah qareenada u doodaya qoyska ganacsadaha la dilay ayaa dhankiisa sheegay in meydka Bashiir ka muuqday dhaawac gubasho ah ayna u muuqato in la gubay ama koronto lagu dhejiyay.

Qareenka ayaana ugu baaqay dowlada Kenya in baaritaano sax oo qoto dheer lagu sameeyo dilka loo geestay ganacsade Bashiir Gaboobe si cadaalada loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilka ganacsadaha.

Marxuum Bashiir Gaboobe ayaa madax ka ahaa  shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha oo kutaala gudaha dalka Kenya, wuxuuna ganacsadaha mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -