Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raila Odinga oo War ka soo saaray go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Kenya

Musharrixii doorashada looga guuleystay ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aankii kasoo baxay maxkamadda sare oo ay ku taageertay guushii uu ka gaaray musharraxa kale ee la loollamay doorashada ee William Ruto, inkastoo uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeestay.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Waxaan mar walba u taaganahay sarreynta sharciga iyo dastuurka, arrintaasi waxaan ku ixtiraameynaa fikirka maxkamadda, in kasta oo aan si weyn uga soo horjeedo go’aankooda maanta,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray kadib go’aan mideysan oo ay maxkamaddu gaartay.

Go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabarjab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.

 

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq dg deg ah u diray Dowlada federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxamed Shariif oo loo xiray weerarkii lagu dhaawacay Saif Cali Khan

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar ka dhan ahaa Itoobiya oo lagu taageerayay Masar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---