Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Raisul Wasaare hore oo maanta bilaabay xabsi uu 12 sano ku qaadan doono

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysiya, Najib Razak, ayaa lagu xukumay labo iyo toban sano oo xabsi ah, ka dib markii uu ku guuldareystay racfaankii ugu dambeeyay ee uu ka qaatay dambiyada la xiriira musuqmaasuq ee lagu eedeeyay.

Waxa si toos ah looga soo galbiyay qolka maxkamada oo xabsiga loogu taxaabay waxana lagu helay xatooyo ka dhacday sanduuqa maalgashiga dawlada.

Najiib Razak oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kiiskiisa si cadaaladda waafaqsan aan loo wajihin.

Balaayiin doolar oo la rabay in lagu kaabo kobaca dhaqaalaha Malaysia ayaa la xaday, taasoo ka mid ah fadeexadaha maaliyadeed ee ugu waa weyn adduunka.

Najib waxa la xukumay laba sano ka hor laakiin xiligaasi lama xirin maadama uu racfaan qaatay.

Former Malaysian Prime Minister Najib Razak walks out from the Federal Court during a court break, in Putrajaya, Malaysia August 23, 2022. REUTERS/Lai Seng Sin

 

Related posts

Kormeerayaal ka socda Wadamo badan oo Isha ku heynaya Doorashada Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: Gogosha Deni waa dabin horudhac ah oo lagu soo xero gelinayo..

Caydiid Ali

Dib u dhac ku yimid qorshe beri lagu furi lahaa Duulimaadyada gudaha (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---