Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo sheegtay Maalinta la shaacinayo natiijada Imtixaanka dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay maalinta la baahinayo natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

“Waxaa la ogaysiinayaa bahda waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee-u- fariisatay Imtixaanki sanad dugsiyeedka 2021/2022, in lagu dhawaaqi doono maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 16-ka bisha Ogos  natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad sanad dugsiyeedka 2021-2022” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Kumanaan arday Soomaaliyeed oo kala jooga magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ayaa ayaa u dheg taagaya natiijada imtixaankan oo muhiim u ah sii socoshada geedi socodkooda Waxbarasho

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qeyb galay furitaanka meertada 38-aad ee Midowga Afrika

Cabdi Cade

Ciidamada Mareykanka oo howlgal ku soo qabtay Mamduh Ibrahim Al-haji Sheikh

Caydiid Ali

Tirada Falastiiniyiinta ku dhimatay Weerarka Israel ku heyso Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---