Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo maanta ka qeyb galaya Shir uu ku matalayo Madeaxweyne Xasan Sheekh

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee Dalka caasimadda dalka Kenya .

Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maanta furmaya, waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimo dhoor ah oo gobolka quseeya.

Shirkan ayaa horey loogu waday in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku maqan safar dalka Turkiga ah, waxaana shirkan Madaxweynaha ku matalaya Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka.

Urur goboleedka IGAD shirka ay ku yeelanayaan magaalada Nairobi ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladaha ka jira gobolka sida abaaraha, ammaanka iyo arrimo kale, waxaana shirka laga soo saari doonaa baaq wadajir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada

Cabdi Cade

Sheekh Shaakir oo ka hadlay Dagaalka Al Shabaab iyo Wadahadalo u socda Ahlu Sunna iyo DF

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo xubno ka tirsan Wasiiradiisa ka dhegeystay warbixino la xiriira..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---