Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Maxaabiis ka badan 350-Maxbuus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
 
Muuse Biixi ayaana Munaasabadda ciidul fidriga owgeed cafis ugu fidiyay maxaabiis gaareysa 360 maxbuus ,kuwaa oo la sheegay in ay galeyn dambiyo fud fudud, cafiskani ayaana saamayn laheyn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka.
 
Halkan ka Akhriso Wareegtada cafiska Madaxweynaha
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;
 
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/142/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;
 
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/98/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;
 
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
 
Waxaan Go’aansaday;
 
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Dowlada Somalia oo labo qodob oo xasaasi ah kala hadashay Shiinaha

Caydiid Ali

Daawo Video:- Madaxweyne Xaaf “hal sano ma tagin gurigeyga Xamar,Cadaadana diyaarad baan ku dul maraa !!

admin

Abiy Axmed iyo Fred Matiangi oo kawada hadlay khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---