Guddoomiye Dhabancad oo fariin deg deg ah u diray Xildhibaanada Teendhada ka maqan

Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golalha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Cabdisalaan Dhabancad oo ku sugan teendhada Afisiyooni ayaa sheegay in ay dhaceyso doorashada guddoonka gollaha shacabka ee loo ballansanaa.

Xildhibaan Dhabancad ayaa ugu baaqay Xildhibaanada ka maqan teendhada doorashada ka dhaceyso in ay si degdeg ah usoo gaaraan si ay u gutaan waajibaadkooda qaran una guda galaan doorashada guddonka gollaha shacabka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha KMG ee gollaha shacabka in xildhibaano badan waddooyinka laga celiyay , waxa uuna xusay in dedaalo badan ay sameeyeen suurto galisay in waddooyinka la furo ayna hadda imaan karaan xildhibaanada.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad.

Hoolka ay ka dhaceyso doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa waxaa ku sugan xildhibaano tiro yar, waxaana wali hoolka ka maqan xildhibaanada badankood iyo sidoo kale musharaxiin badan oo u taagan guddoonka gollaha shacabka.

Qabsoomida doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa wali waxaa ka jira shaki badan, Villa Soomaaliya ayaana ka shaqeeneysa sidii loo baajin lahaa doorashada, waxaana ciidamo ka ammar qaata Villa Soomaaliya saakay waddooyinka ka xirteen xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -