Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah waxay ku toogteen magaalada Muqdisho nin ganacsade ah

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama Markii dableyda hubeysan ay ku weerareen goob uu ku iibinayey waxyaabaha farshaxanka oo ku taalla dhabarka dambe ee daarta Olow Tower.

Ganacsadahan oo aan magaciisa la sheegin ayaa isla goobta ku qur baxay, iyadoo kooxihii dilka u geystayna ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano, lamana illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida ka dambeysay, laamaha amaanka dowladana illaa hadda wax war ah kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalka xabad joojinta Gaza oo mar kale furmaya & Xamaas oo qorshe cusub keentay

Caydiid Ali

Arday badan oo lagu laayay dalka Uganda iyo Ciidanka Milatariga oo howlgal wada

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Taiwan & Wasiirka A/Dibedda Somaliland?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---