Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Ukraine oo shaaciyay tirada Ciidamada Ruushka ee ku dileen dagaalka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky , ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka ee weerarka kusoo qaaday, waxa uuna cadeeyay in Ruushka dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

Volodymyr Zelensky ,ayaa sheegay in ciidamada difaaca Ukraine ay dileen 9,000 askari oo u dhashay Ruushka, waxa uu sidoo kale xusay in Ruushka dagaalka uga bur buriyeen diyaarado, iyo hub kale oo culus.

Hoggaamiyaha Ukraine ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa fashiliyeen qorshayaashii guracnaa ee Ruushka, isagoo sheegay inuu ku hanweyn yahay halyeeyada iska caabinta duulaanka Ruushka in ay casharo u dhigaan soo duulayaasha.

“Waxaynu nahay ummad toddobaad gudihii ku jabiyay qorshayaashii cadowga. Qorshayaasha la qoray sanado, oo ay ka buuxaan nacaybka dalkeena, dadkeena,ayuu  ku yiri muuqaal madaxweynaha soo duubay oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna labada dhinac Ruushka iyo Ukraine guulo kala duwan ka sheegteen dagaalka ka socda magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Es04y-YCFQo

Related posts

Wasiiro katirsan Puntland oo caawa xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Musharixiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa ka dhalan kara Siyaasadeynta Amniga Muqdisho iyo Wasiireynta Xildhibaanada ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---