Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Muqdisho kula kulmay Adam Cabdulmowlaa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.

Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha dalka, gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen sida ugu macquulsan oo gargaarka loo gaarsiin karo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan gobolada fog fog gaar ahaan goobaha aysan dowlada ka talin.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dedaalo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameesay, waxa uuna Rooble arrimaha gurmadka abaaraha kala hadlay Hay’addo, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=gM3KlIO3udA

Related posts

Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loogu dabaaldegay Sanad guuradii 74aad ee Booliska

Caydiid Ali

Cumar Finish oo soo dhaweyn u muuqatay Sagootin loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Go’aano kasoo baxay Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---