Weerar dhaliyay khasaaro dhimasho oo lagu qaaday Masjid kuyaala Afgooye

Kooxo hubeesan ayaa xalay xilli lagu guda jiray salaadii cishaha waxa ay weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen gudaha masjid caan ah oo kuyaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay dableyda hubeesan ayaa galay  Masjidka Raqayle ee kuyaala agagaarka wabbiga ee degmada Afgooye, waxa ayna halkaasi ka geesteen falal isugu jira dil iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa jameecada masjidka ayaa weerarka ku dhintay halka saddex qof oo kalana ku dhaawacmeen, waxaana goobta weerarka ka dhacay ka baxsaday kooxdii weerarkaasi fulisay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida degmada Afgooye ayaa gaaray masjidka weerarka lagu qaaday, lamana oga ilaa hada cidii fulisay weerarkan  masjidka lagu qaaday oo dad badan aad ula yaabeen.

Imaamkii Masjidka Raqeyle iyo wiil uu dhalay Imaamka oo isna mu’adin ka ahaa masjidkan ayaa horey loo dilay, mana cada ilaa hada sababta rasmiga ah ee masjidkan loo beegsanayo, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -