Dhimasho badan iyo dhaawac ka dhashay ciyaartii xalay dhax martay Cameron iyo Comoros

Ciyaar xiisao badneed oo xalay dhax martay xulalka labada dal ee Cameroon iyo Comoros ayaa sababtay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha labada xul.

Garoonka kubadda cagta The Paul Biya Stadium ee dalka Cameroon oo xalay ciyaarta labada xul ka dhacday ayaa markii la galayay iyo markii laga soo baxayay waxaa isku haleelay iskuna dhacay taageerayaasha mayalka adag ee labada dal.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kamid ahaa taageerayaasha labada xul ayaa xalay ku dhintay rabshadaha iyo isbuurashada ka dhacday garoonka The Paul Biya , waxaana isku dhacan ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo lagu daaweenayo xarumo caafimaad.

Xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay la socdaan waxa ka dhacay garoonka Olembe Stadium, intii aanay bilaabmin ciyaartii Cameroon iyo Comors ee xalay.

Warka kasoo baxay xiriirka CAF ayaa lagu sheegay inay baaritaan ku samayn doonaan sida ay wax u dhaceen ayna xiriir joogta ah la sameyn doonaan dowlada Cameroon iyo iyo guddida qaban-qaabada tartanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -