Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyay Sababtii uu ku waayay kursigiisa Xildhibaanimo

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku faah faahiyay sababaha keenay in uu waayo kursiga Xildhibaanimo uu ku fadhiyay.

Wasiir Beyle oo katirsanaa Baarlamaankaii 10-aad ee waqtigiisa dhamaaday ayaa ku guul dareestay in uu difaacdo kursigiisa, waxaana maanta kursigiisa ku guuleestay Aqoonyahan DR Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in wax badan uu ku jiro kursigiisa Xildhibaanimo uu ku waayay habka uu u maamulayo miisaaniyadda dalka una diiday in musuq maasuq la sameeyo, waxa uuna cadeeyay in sidoo kale uu iska diiday wax kasta oo sharci daro ah .

“Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka inaan ku maamulo si sharciyeesan oo adduunka ogyahay dadban baa ku kala dhimannay, Asxaab badan baan ku waayay,si baan waxaa u arkay in kursigeyga iyo maaliyadda inay isku taabanayaan, qofkii uu Alle u calfa baa uun heli kara”” ayuu yiri Wsaiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa loo badinayaa in kursigiisa ku waayay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, waxa uuna Wasiir Beyle ka mid yahay saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -