Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubaland oo u Mahadceliyay safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.
 
Axmed Madoobe ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahadceliyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira deegaanada maamulka Jubaland ka arrimiyo iyo guud ahaan Soomaaliya.
 
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.
 
Kulankan dhax maray Madaxweynaha Jubbaland iyo safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta dalka Imaaraadka soo gaarsiiyeen gargaar loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/M u soo magacaabay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo Mar kale beegsatay qalabka Isgaarsiinta Xisbulah

Caydiid Ali

(Sawirro) Duqa Muqdisho oo labo arrimood uga digay Ciidanka dowlada hoose ee Xamar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---