Beesha Caalamka oo ku cadaadineysa Laftagareen ka qeyb galka Shirka Gollaha Wadatashiga

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhawaan ka furmo shirka ay yeelanayaan gollaha wadatashiga Qaran ee yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada dalka .

Shirkan ayaana looga arinsanayaa sidii loo saxi lahaa khaladaadka ka jira doorashada, waxaa sidoo kale suurto gal ah in shirkan wax looga bedelo qodabadii horey loogu heshiiyay sida in hal magaalo doorashada lagu soo koobo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horey u shaaciyay in uusan shirkan ka qeyb galeyn ayaan wali Muqdisho imaan, halka ay magaalada joogaan dhamaan madaxda kale ee shirka ka qeyb galeysa.

Wakiilo katirsan beesha caalamka oo xiriiro kala duwan la sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku cadaadinaya in uu yimaado magaalada Muqdisho kana qeyb galo shirka gollaha wadatashiga.

Waxa ay u sheegeen wakiilada beesha caalamka Madaxweynaha Koonfur Galbeed in muhiim tahay in shirka kasoo qeyb galo kana sheego halkaasi waxii aragtidiisa balse aan laga aqbaleyn in shirka uu diido ka qeyb galkiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan si cad ula saftay Madaxweyne Farmaajo oo kasoo horjeeda qabsoomida shirka gollaha wadatashiga Qaran, waxa uuna Laftagareen sheegay in uu ka qeyb galayo shirka kale uu iclaamiyay Farmaajo.

Beeasha Caalamka ayaa si weyn u taageersan shirka gollaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Laftagareen aqbalay cadaadiska beesha caalamka una sheegay in uu tagayo Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -