Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo caawa Muqdisho ku qabtay Dooni siday waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada booliiska ayaa caawa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis waxa ay ku qabteen dooni la sheegay in ay siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo kasoo shiraacatay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka booliiska oo helay xogta doontan ayaa ku qabtay xeebta Liido oo kusoo xiratay, waxa ayna ciidamada xireen ragii la socday doonta iyagoona dejiyay waxyaabihii ku rarnaa.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigayay doontan iyo waxyaabaha maanka dooriya ay siday ayaa sheegay in ay heleen xogta doonta ayna ciidamada kahor tageen in waxyaabahaasi magaalada lasoo galiyo.

Waxa uu sheegay afhayeenka in maalmahan Muqdisho ka socdeen la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya ayna ciidamada qabteen warshado lagu sameeyo, waxa uuna afhayeenka ka gaabsaday in uu faah faahiyo nuucayada maandooriyaha ay qabteen.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan waxaa doonyo lagu keenaa jaadka laga keeno dalka Kenya oo dowlada horey u mamnuucday, waxaa sidoo kale doonyo magaalada lagu soo galiyaa waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jabuuti

Cabdi Cade

Daawo:-Finalkii ugu xiisaha badnaa oo Lasoo gabagabeyay & Rooble oo Ka farxiyay kooxdii guuleysatay

admin

Ciidamo Milatari ah oo ka qeyb qaatay Dilalkii ka dhacay Baydhabo iyo amar la siiyay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---