Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Dowlada ku lahaayeen degmada Afgooye gaar ahaan Buundada degmadaasi.

Dagaal xoogan ayaa labada dhinac dhax maray , waxaana markii dambe dagaalka noqday mid istaagay kadib markii aagaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka gaadma ah kusoo qaaday fariisinka ciidanka dowlada.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka caawa Al Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ciidanka dowlada ku lahaayeen Degmada Afgooye, waxaana adag in khasaaraha dhabta ah la ogaado maadama xiliga habeen yahay.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro kala duwan ku qaaday degmada Afgooye oo fariisin ah Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana degmadaasi kusoo noq noqday weerarada Al Shabaab kusoo qaadaan xilyada habeenkii ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -