Faahfaahin: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho & Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay ku dhowaad 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax caawa maqribkii ka dhacay Isgoyska Fagax oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida uu qaraxaas u dhacay kuwaasoo qaarkood sheegayaan inuu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa halka warar kalena tilmaamayaan inuu ahaa Miino goobta lagu diyaariyey.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Maqaayad shaaha laga cabo oo inta badan ay fadhiistaan dhalinyarada degaanka, isla markaana lagu ciyaaro dubnada.

Sidoo kale qaraxa ayaa burbur xoogan u geystay maqaahida lala beegsaday, waxaana mudooyinkan soo badanayey qaraxyada lala beegsado goobaha shaaha laga cabo ee saxmada badan ay ka jirto.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaan weli faahfaahin ka bixinin qaraxan oo illaa hadda aysan jirin cid sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -