Dagaal u dhaxeeya Saraakiil Ciidan oo ka socda Muqdisho iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Saney Macalin Cabdulle iyo Cismaan Xaadoole oo katirsan saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaiya ayaa xiligan ka socda xaafado katirsan Degmada Kaaraan .

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka xoogiisa ayaa ka socda halka lagu magacaabo Xirgo Dheere iyo Gubabdley, labada ciidan ayaana isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan sida goobjoogayaal ku warameen.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada ay kala wataan labada Sargaal oo horey uga tirsanaa saraakiishii Badbaado Qaran ayaa ka bilowday isbaarooyin iyo sidsoo kale lacago baad ah oo laga qaado kaawooyin dhagxaanta iyo carada laga qodo.

Ciidamada labadan sargaal ayaa horey waxaa  dhax maray dagaalo khasaaro kala duwan dhaliyay, hasa ahaatee dagaalka hada socda ayaa ah mid ka xoog badan dagaaladii horey u dhax maray ciidamada labadan sargaal.

Dowlada ayaan wali ka hadlin dagaalkan ka socda qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ciidamada iyo saraakiishan dagaalka u dhaxeeyo ayaa ah kuwa aan si toos ah uga amar qaadan taliska Milatariga waana ciidamo u abaabulan qaab beeleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -