Madaxweyne Biden: “Nama carqaladeyn karto argagixisada, weyna ka shalaayi doonaan”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in daad-gureynta ka socota garoonka Kabul ay sii wadi doonaan, kaddib qaraxyadii ay ku dhinteen 60-ka qof, oo ay ku jiraan 13 ciidamada Mareykanka ka tirsanaa.

“Waa inaynu dhammeystirnaa howlgalkan waana sameyn doonnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray in la ugaarsan doono dadkii ka dambeeyay, aysana badbaadi doonin.

Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray “nama carqaladeyn doonaan argagixisada”.

Madaxweyne Biden ayaa yiri: “Ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa waanad ka shallaayi doontaan.”

Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay ay ahaayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale”

Kooxda Daacish ayaa war ay soo saartay goor dambe ku sheegatay iney ka dambeysay weeraradaas.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa laga saaray Kabul, oo gacanta u gashay Taliban 15-kii August. Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -