Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga Furmay Muqdisho (Sawirro)

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay Muqdisho.

Waxaa shirka sidoo kale ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad goboleed ee dalka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho

Waxaa shirka diirada lagu saarayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Afar ka mid ah Maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.

Maamulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Xoogan iyo Rasaas goordhaw laga maqlay Xeebta Liido iyo kala carar halkaasi ka jira

Cabdi Cade

Siciid Deni oo arrimo dhowr ah kala hadlay Mrs. Karin Johannson

Cabdi Cade

Ciidanada NISA oo la wareegay Shan Guri oo kuyaalla Muqdisho iyo Digniin Shacabka loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---