(Sawirro) Deni oo Muqdisho soo gaaray & Shirkii wadatashiga oo goor dhow furmaya

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Wafdi uu horkacayo oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan DF.

Deni ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo goor dhow ka furmaya teendhaha Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in RW Rooble iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada ay gaareen teendhada, iyadoo Madaxweyne Deni oo hadda yimidna la filayo inuu ku biiro.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -