RW Rooble oo shan qodob oo Muhiim ah kala hadlay dhigiisa UK Boris Johnson (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula Magaalada London qaatay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay  xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta Waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka” ayuu yiri Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

“Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna” ayuu intaas ku daray Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -