Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Magaalada Jigjiga oo si weyn looga dabaaldegay Munaasabada Ciida (Sawirro)

Kumannaan qof ayaa munaasabadda salaadda ciidda Carafo ku tukaday barxadda garoonka weyn ee ciyaaraha magaalada Jig-jiga ee caasimadda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaana bulshada kala qeyb-galay tukashada Salaada.

Mustafe Muxummed Cumar ayaa fadliga munaasibadda ciidda awgeed ugu duceeyay bulshada, isagoo shacabka ugu baaqay iney gacan siiyaan dadka fuqarada ciida awgeed.

Magaalooyinka kale ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale si weyn looga ciiday maanta munaasabada ciidul- Adxaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu cafis ka dalbado Ciidanka kumaandooska Danab

Cabdi Cade

Xuutiyinta oo gantaal ballistic ah ku weeraray markabka dagaalka USS Laboon

Caydiid Ali

Milateriga Dowlada Itoobiya oo 24ka saac ee soo socda galaya Magaalada Makelle

Caydiid Ali