Raisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada gobolada Waqooyi ( Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ee Soomaaliya.

Kulanka Rooble la qaatay Xildhibaanada ayaa waxa uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.

Raisul Wasaare Rooble ayaa u xaqiijiyay xildhibaanada gobolada Waqooyo in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Kulankan maanta Rooble la qaatay xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa kusoo aadaya xili labo garab u kala jabeen xubnaha guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi kuwaa oo kala taabacsan gudoomiyaha aqalka sare iyo Raisul wasaare kuxigeenka dalka.

- Advertisement -