Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhir ku beeray Madaxtooyada Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dhir kala duwan ku beeray qeybo kamid ah xarunta Madaxtooyada maamulka Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa dhirtan uu ku beeray xarunta madaxtooyada Jubbaland uga gon leh sare u qaadida bilicda xarunta madaxtooyada Jubbaland oo muddooyinkii lasoo dhaafay dib u dhis ka socday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey sidaan oo kale dhir ugu beeray xarunta madaxtooyada iyo goobo kale oo katirsan magaalada Kismaayo si sare loogu qaado bilicda magaalada.

Maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa dib u dhis balaaran u sameeyay xarunta madaxtooyada Jubbaland iyo sidoo kale xarunta kale ee martida ee loogu tala galay in la dejiyo madaxda iyo marti sharafta timaada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -