Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad xeelad yaab leh u adeegsatay qabashada weriye Mucaarad ku ahaa (Sawirro)

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay fal ay dowladda Belarus Axaddi shalay aheyd si khasab ah diyaarad rakaab aheyd oo ka baxday dalka Greece kuna socota waddanka Lithuania uga dejisay magaalada Minisk ee dalkaas.

Mareykanka ayaa wax laga naxo ku tilmaamay ficilkaas.

Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa rakaabka saarnaa waxaa ku jiray wariye ka mid ah saxafiyiinta dibad-joogga ee u dhashay Belarus, kaasoo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas, waxaana ujeedada diyaaradda sida khasabka ah looga dajiyay caasimada Minisk ay aheyd in laga dago, lana xiro wariyahan.

Diyaarad millatari ayaa ku khasabtay in duulimaadka diyaaradda rakaabka aheyd si deg deg ah looga dajiyo Jamhuuriyadda Belarus.

Wariye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay markii uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa.

Midowga Yurub ayaa ficilkaas ku tilmaamay afduub lagula kacay diyaarad rakaab ah. Dowladda Lithuania ayaa iyaduna sheegtay in ay furtay kiis argagixiso oo ka dhan ah dowladda Belarus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad la la’yahay

Caydiid Ali

Jubbaland oo go’aan ka qaadatay sharciyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamanka

Caydiid Ali

Tirada Soomaalida iyo dadka kale ee Carbeed ee Mareykanka ku galay Viisaha oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---