Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Carbeed oo gurmad balaaran u dirtay Shacabka Falastiin (Daawo Sawirada)

Dowlada Masar ayaa deeq isugu jirta daawo iyo raashiin u dirtay shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa uu saameynta ku yeeshay weeraradii ugu Dambeeyay Israa’iil lka geesatay dhulka Reer Falastiin.

In ka badan 70 gawaarida xamuulka oo waday shixnad deeq oo ay Shacabka Masaarida u soo direen Walaalahooda Reer Falastiin ayaa gaaray qeybo kamid ah dhulka Falastiin, waxaana deeqdan la gaarsiin doonaa Qoysaska Reer Falastiin ee dhibaataysan.

Dowlad Masar ayaa noqotay dowladii ugu horeesay ee kaalmo u dirta shacabka dhiban ee reer Falastiin, waxa ay sidoo kale dowlada Masar gacan ka geesatay hirgalinta xabad joojin la dhax dhigay Xoogaga Falastiin iyo maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha Dowladda Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim oo la kulmay wafdi ka socday dowlada Masar oo gaaray magaalada Ramala ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka Masar gar gaarka ay usoo direen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo qabatay qoysas ka tirsan Daacish oo baxsad ahaa

Caydiid Ali

Labo qof oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Xamse Barre oo si adag uga hadlay Dilalka Shacabka loo geesanayo Amarna soo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---