Isbedel maanta laga dareemayo jawiga Magaalada Muqdisho (Maxaa soo kordhay)

Roobabkii xiliga Xagaaga oo sanad walba bilowda bisha Juun ayaa xalay gelinkii dambe illaa maanta ka da’aya magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Roobabkan oo ah kuwo aan sidaa u xoog badneyn oo si goos goos ah u da’aya ayaa saameyn ku yeeshay socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada, iyadoo saaka dadka qaar badan aysan ka soo bixin guryahooda inkastoo ay Jimce tahay, marka laga reebo dadka qaar oo qoyanka roobka u bareeray iyo kuwo isticmaalayey daladaha la hoos galo, waxaana yaraaday socodka gaadiidka dadweynaha wadooyinka qaarna biyo ayaa fariistay.

Roobabkan ayaa waxaa ku diirsaday shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo dareemaya jawi macaan, iyadoo sida la wada og yahay lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo hadda mareysa heer gebogebo ah.

Dhinaca kale, roobabkaasi oo dadka qaar ay ku diirsadeena ayaa dhinaca kale saameyn ku yeesheen qoysas boqolaal gaaraya oo ka soo barakacay gobolada dalka qaarkood.

Roobabkan oo bilowday xalay gelinkii danbe abaarihii 4:00am ayaa ku dul da’ay dadkaasi soo barakacay oo u badan caruur haween iyo dad waayeel ah kuwaasoo aan heysan hoy fiican oo ay ka galaan dhibicda roobabka socda, iyagoo degan guryo buushash ah oo ka sameysan baco iyo cooshado, kuwaasoo aan adkeysi badan u laheyn roobka.

Dhowaan ayey aheyd markii Magaalada Muqdisho ay ka da’een roobab socday ku dhowaad 24 saacadood oo aad u xooganaa oo geystay khasaare iskugu jira naf iyo maal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -