Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhageysiga dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya galabta la soo gebagabeeyay

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah.

Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood.

Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Yuusuf Garaad Cumar Axmed
Xubin ka tirsan Ergada Soomaaliya ku metelaysa dacwadda badda

Related posts

Banaan bixii bari ka dhici lahaa Muqdisho oo la baajiyay iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Fiqi: “Goodax haddii uu Baarlamanka Shabaab u yaqaano ma ahayn inuu laba sano dhex fadhiyo”

Caydiid Ali

Afhayeenka Xukuumada Somalia iyo Weriye caan ah oo ka mid noqday dhaawacyada SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---