Maamulka G/Banaadir oo Olole cusub ka bilaabay Iskuulada Muqdisho (Sawirro)

Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa Maanta daahfurtay Olale lagu buufinaayo iskuulada Gobolka Banaadir si looga hortago qatarta uu leeyahay Cudurka Safmarenka ah ee Coved 19.

Cudurka COVID-19 ayaa ku soo labo kacleeyey Somalia iyadoo maalin kasta uu soo rito dad cusub halka qaar kalena ay u dhintaan.

Ardayda iskuulada gobolka Banaadir ayaa la fasaxay labo todobaad ka hor sababo la xiriira faafida cudurkan, iyadoo fasaxooda uu ku eg yahay dabaqaayada todobaadkan.

Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa sheegtay in la buufin doono dhamaan iskuulada gobolka Banaadir hase ahaatee lama oga in qorshahan uu ku kooban yahay iskuulada DF gacanta ku heyso iyo in la gaarsiin doono iskuulada gaarka loo leeyahay.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Wasaarada caafimaadka Somalia ay bilowday bixinta talaalka cudurka COVID-19 oo maalmo ka hor dalka la soo gaarsiyey qeybtiisii ugu horeeysey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -