Askar ka tirsan ciidanka DF oo haweeney iyo llmo yar ku dilay Muqdisho

Deeqo Cismaan Shire waxa ay aheyd Hooyo laheyd Uur 9-bilood ah, waxaa maanta Xaafada Saban Saban ee degmada Dayniile ku dilay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.

Marxuumad Deeqo iyo ilmaheeda yar ayaa waxaa haleelay rasaas habow ah oo ka dhalatay xabado isweydaarsadeen labada askari

Hooyadan ayaa daqiiqado kadib u geeriyootay rasaasta ku dhacday , waxaana cunuga caloosheeda ku jiray oo la isku dayay inta aysan dhiman in la badbaadiyo ayaa isna la geeriyooday.

Labada askari ee sababta u ahaa geerida hooyadan iyo cunugeeda yar ayaa mid kamid ah la xiray halka midka kalana uu baxsaday.

Ehelada gabadha la dilay ayaa diiday in la aaso gabadhooda iyada aan loo helin cadaalad, waxa ayna codsadeen in lasoo qabto askariga baxsaday sidoo kale midka xirana lagu wareejiyo Laanta Dambi baarista CID-da.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -