Wiil Dhalinyaro ah oo 9 jeer isku sameeyay Qaliin is qurxin ah !! (Daawo Sawirada)

26 jir u dhashay dalka Fitnam ayaa galay qaliin uu gebi ahaan beddelay muuqaalkiisa kaddib markii uu nacay sida xun oo loogu jeesjeesay muuqaalkii uu lahaa.

Isaga oo ka qeybglaya waraysi codsi shaqo ah, ayuu dareemay in muuqiisa laga dhigtay mid lagu maadaysto.

Hadda Đỗ Quyền oo aad u isticmaala TikTok wuxuu soo jiitay dareenka baraha bulshada Aasiya kaddib markii uu soo dhigay muuqaallada shalay iyo maanta oo ku saabsan kahor inta uusan gelin qaliinka iyo kaddib markii uu maray qaliinka.

Aad buu runtii isku beddelay wayna adag tahay inaad rumeysato in qofkii shalay uu noqon karo qofka maanta.

Dhammaan sunniyaha, sanka iyo xubin walba oo wejigiisa kamid ah ayuu ku sameeyey qaliinka.

Wuxuu ku andacooday sababta qaliinka ku qasabtay inay ahayd heliwaaga shaqo uu codsaday – iyada oo foolxumadiisa lagu maadaysanayo.

Da’yarkan oo hadda ka shaqeeya xarun makeup-ka lagu sameeyo oo ku taalla Saigon, wuxuu dadka kala socda bartiisa TikTok u sheegay in adduun dhan 400 million dong una dhiganta ($17,400). Waxaana uu maray in ka badan 9 jeer oo qaliin ah.

Qoyskiisu uma taakuleyn karin maaliyad ahaan, sidaas darteed keydkiisa ayuu ka maareeyey inuu iskaga bixiyo qaliinka.

“Markii ugu horreysay oo aan kusoo noqday guriga kadib qaliinka, labadayda waalid way i aqoonsan waayeen,” ayuu yiri Đỗ Quyền. “In badan ayaa filanayay, balse hadda xaqiiqada nolosha ayaa iga ilmeysiisa mararka qaar.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -