Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) RW Rooble oo qodob muhiim ah ka dalbaday Ganacsatada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19.

Rooble ayaa dowladdu u sameyneyso ganacsatada canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AqDnGHaxxKs

Related posts

Heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo halis ku jira iyo waxa soo kordhay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari Gaashaaman ay ka qabsadeen Milatariga Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Su’aallo xasaasi ah la weydiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---