Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo hal sabab darteed liiska argagixisada ka saaray Xuutiyiinta Yemen

Mareykanka ayaa sheegay inay qorsheyneyso sidii ay liiska argagixisada uga saari laheyd Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen oo liiskaasi uu ku daray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii hore.

Talaabadan ayaa waxaa ku dhawaaqay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna ku soo aadeysaa maalin ka dib markii uu madaxweyne Joe Biden shaaciyay in Mareykanka uu soo gabagabeeyay taageerada uu siin jiray Isbaheysiga Carbeed ee uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sababta liiska argagixisada looga tirayo Xuutiyiinta ay tahay sababo dhanka bani’aadannimada ah.

Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha Gargaarka ee caalamiga ah ayaa bishii hore ka digay in go’aankii Trump uu Xuutiyiinta ugu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ay sii murjineyso xaaladda bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Iimaan oo xariga ka jaray Wado kutaala Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo amaro adag kusoo rogtay Musharaxiinta ku guuleestay Doorashada

Cabdi Cade

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---