Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug doorasho ka dhacday ku guuleestay guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP051 waxaa ku tartamay musharax Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) iyo musharax Maxamed Geedi Cawaale , waxaana doorashadan aheyd mid natiijadeeda horey loo sii ogaa.

Kursiga HOP051 oo horey ugu fadhiyay xil Xasan Macalin ayaa goordhaw waxaa kursigaasi ku guuleestay Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) oo helay 81-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Geedi uu helay 14-cod.

Waxaa harsan oo iyana la filayaa in goordhaw ka qabsoonto magaalada Dhuusomareeb doorashada kursi hal kursi, waxaana maanta Dhuusomareeb lagu dooranayaa afar kursi oo saddex kamid ah durba la doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yasin oo dhaliilay talaabada DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia

Caydiid Ali

Xildhibanadii gaaray Kismaayo oo jawi dalxiis galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiinta heyadaha Qaramada Midoobay oo loo diiday fiisaha dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---