Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerar lagu dhaawacay Taliyaha Ciidamada Danab

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax xoogan la beegsadeen kolonyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya uu ku jiro taliyaha ciidamada Danab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ciidanka dowlada xili ay marayeen deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay afar askari oo katirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayna ku dhaawacmeen saraakiil uu ku jiro taliyaha ciidamada Danab  Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer yare).

“Mujaahidiinta ayaa deegaanka Tixsiile qarax kula beegsaday gaari ay la socdeen ciidamada  Mareykanku tababaray, xogta hordhaca ah waxay xaqiijinaysaa dhimashada 4 Askari halka uu dhaawacyo garaab ah soo gaareen  saraakiil uu kamid yahay taliyaha waxa loogu yeero Danab oo lagu magacaabo Beer Yare” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Al Shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan lagu weeraray saraakiisha ciidanka Danab ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la filayaa in dowlada war kasoo saarto weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -