Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir caawa u furmay Madaxda 3 dowlad goboleed iyo Midowga Musharaxiinta

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ee ayaa xiligan shir xasaasi ah kula leh Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho Midowga Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha.

Kulankan ayaa looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa is mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii Xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo.

War saxaafadeed ay saacado ka hor shirkan soo saareen Musharaxiinta ayey kaga soo horjeesteen go’aanka Xukuumadda ee ahaa qabashada doorasho ay ka maqan yihiin dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Midowga Musharixiinta ayaa soo jeediyey inay shir isugu yimaadaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo midowga murashaxiinta, kaasoo ay bulshada rayidka ah iyo beesha Caalamkuba goobjoog ka noqonayaan.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA KULANKAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Gudoomiye cusub u Magacaabay Gedo

Caydiid Ali

Guddiga FEIT oo fariin xasaasi ah u diray Xildhibaanada aan qaadan shahaadada

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo cafis u fidiyay Maxaabiis xabsiyada dowlada ku xiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---