Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey duqeymo uu ka geystay degaanka Kuunyo Barrow

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyey laba duqeyn oo ka fuliyeen gobolka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya maalmo ka hor.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in labada duqeynba lala beegsaday dhismooyin ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay degaanka Kuunyo Barrow.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay in qiimeyn la sameeyey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

AFRICOM waxay sidoo kale sheegeen in duqeymaha ay burburiyeen lix dhisme oo ay leeyihiin Al-Shabaab, mid kalena ay gaartay waxyeello, waxaana ka mid ahaa idaacad ku hadasha codka Al-Shabaab.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska waxay muujineysaa inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka

Duqeymahan ugu dambeeyey ayaa imanaya iyadoo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya kala baxo ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/39oldNRjzPI

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea oo Damaashaad loo geeyay Xeebta Liido

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Slovenia oo iskaashanaya hindisayaasha dib-u-dhiska iyo…

Cabdi Cade

Sababta Geerida Cabdiqani Dulqarneyn oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---