Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Macron oo 15 cisho u qabtay Golaha Muslimiinta Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku amray madaxda muslimiinta dalkiisa inay aqbalaan sharci loo bixiyey (Axdiga muhiimadda Jamhuuriyadda), kaasoo qeyb ka ah ololaha lagula dagaallamayo muslimiinta xagjirka ah.

Macron ayaa muddo 15 maalmood ah u qabtay Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) si ay ugu aqbalaan axdigaas.

Wuxuu axdigan dhigayaa in Islaamku uu yahay diin oo uusan ahayn dhaqdhaqaaq siyaasadeed, wuxuuna sidoo kale mamnuucayaa in faragalin shisheeye ay ku lug yeelato ururrada muslimiinta ah.

Arrintan waxay daba socotay saddex weerar oo lagu tuhunsan yahay dad muslimiin ah oo Faransiiska ka dhacay muddo kooban gudaheed.

Macron ayaa si adag u difaacay mowqifka Faransiiska ee ku aaddan in la kala saaro diinta iyo siyaasadda kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen weerarro, uu ku jiro mid lagu gowracay macallin bishii lasoo dhaafay fasal dhexdiis kusoo bandhigay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Federaalka oo digniin adag u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo soo dhoweyn maamuus leh loogu sameeyey Quirinale Palace (Sawirro)

Caydiid Ali

Wakiilka QM oo sheegay wadahadalo hoose oo u socda Somalia iyo Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---