Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo shuruudo cusub ku soo rogay dadka Cumrada soo gudanaya

Dowlada Sacuudiga oo ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka Coronavirus ee caalamka ku baahay.

Si looga hortago faafida COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka ama dhagaxa madow ee kacbada.

Masjidka Xaramka oo ah halka ay Kacbadu ku taallo ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo.

Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqday in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, illaa bisha soo socota ee Oktoobar.

Dadka u dhashay Sacuudiga iyo ajaanibta deggan ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof.

Boqortooyada ayaa dabayaaqada Oktoobar oggolaan doonta in 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi, ee magaalada Madiina oo goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka, iyadoo bisha Novembar dadka dibeda ka imanaya loo oggolaan doono gudashada Cumrada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilham Aliyev oo Warqadaha ka gudoomay danjiraha Somalia

Caydiid Ali

Ganacsatada Gobolka Banaadir Halala Hadlo oon yaan Caasi lagu noqon

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo ka hadlay masiibadii xalay ka dhacday Magaalada Jigjiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---