Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Magaca ka bedelay caasimada maamulka Galmudug

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka Dhuusomareeb sadex ayaa shaaciyay in uu magaca ka bedelay caasimada Galmudug.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in magaca magaalada Dhuusomareeb uu ka bedelan yahay magacyada magaalooyinka kale sidaa darteed uu magaca uga badelay uguna bixiyay magalada Samoreeb.

“Shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyiri magaaladaan waa a Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Samareeb”ayuu yiri Farmaajo.

Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaana siyaabo kala duwan u arkay magaca uu bedelay Madaxweynaha ,laman aoga sida uu u hirgali doono magacan cusub ee loo bixiyay Caasimada Dhuusomareeb

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane xafladooda arooska socotay iyo dad kale oo ka badan 100-qof oo hal goob ku dhintay

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Rooble oo ka hadlay Geerida Janaraal Axmed Jaamac Muuse

Cabdi Cade

Sidee u dhintay Mahad Cagaduub, Wax yar ka dib markii ay qabteen ciidanka DF?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---